Jadon Sancho Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Man United Kadib Markii Uu Dortmun Ku Hogaamiyay guul Kulankii Champions League.

Jadon Sancho ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa Manchester United ka dib markii uu Dortmun Ku Hogaamiyay guul Kulankii Champions League.

Xiddiga 24 jirka ah ayaa amah uGu biiray kooxda Dortmund suuqii January isaga oo isaga tagay United markii uu ku dhibaatooday kooxda.

Sancho ayaa tan iyo markaas saameyn togan ku yeeshay BVB wuxuuna si joogta ah uga soo muuqday isaga oo dhaliyay seddex gool iyo labo caawin 17 kulan oo uu u saftay Bundesliga iyo Champions League.

Xiddiga ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa in uu si joogto ah ugu wareegayo Dortmund.

Kadib kulankii Dortmund ee champions League ay ka badisay kooxda PSG waxa wax laga waydiiyay mustaqbalkiisa Man United.

Sancho oo la hadlaya Mirror ayaa yidhi”Sida iska cad waxa aan imid Dortmund aniga oo 17 sano jir ah wax walbana way i siiyeen, sidaas darted aad ayaan ugu faraxsanahay in ay kooxdu fursad kale i siisay dibna ii soo dhaweeyeen”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga