Haaland, Ugarte, Olmo, Kimmich, Lukaku, Yoro & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

Suuqa ayaa si Rasmi ah u furmay iyada oo kooxaha kala duwan u furantahay in ay dhamaystiraan saxiixyada.

Kooxaha ayaa haatan bilaabi kara in ay sameeyaan saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxooda.

hadaba kooxda.com waxa ay idiin balan-qaadaysaa in ay si joogto ah idiinku soo gudbiso wararkii ugu dambeeyay ee suuqa.

Manchester United ayaa wadahadalo kula jirta Adrien Rabiot si uu xagaaga ugu dhaqaaqo Old Trafford. Qandaraaska ciyaaryahanka khadka dhexe ee France ee Juventus ayaa dhacaya dhamaadka bisha June, welina ma uusan go’aansan mustaqbalkiisa (TEAMtalk).

Dhanka kale, Man Utd, Liverpool iyo PSG ayaa dhamaantood xiriir dhow la sameeyay daafaca Lille Leny Yoro maalmihii ugu dambeeyay si ay u ogaadaan inay sugi doonaan hadii uu burburo qorshaha uu ugu dhaqaaqi lahaa Real Madrid. (Fabrizio Romano).

Daafaca dhexe ee kale ee ay Liverpool isha ku hayso waa Murillo, kaasoo laga yaabo inay iibiso Nottingham Forest si ay u yarayso walaacooda dhaqaale (Football Insider).

Milan ayaa ku riixaysa inay Romelu Lukaku amaah ugala soo wareegto Chelsea, laakiin waxa u sii dheer weeraryahanka Bologna Joshua Zirkzee oo aanay u arkin badalkiisa (Gianluca Di Marzio).

Arsenal ayaa haatan hogaamineysa tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka PSV Eindhoven Johan Bakayoko, kaasoo lagu heli karo ku dhawaad ​​42 milyan (DHNet).

Bayern Munich ayaa isku diyaarinaysa inay iska iibiso Joshua Kimmich xagaagan, iyadoo tababaraha cusub ee Vincent Kompany uu qorsheynayo inuu khadka dhexe ku bedelo Joao Palhinha (Sky Sport Germany).

Barcelona ayaa si aad ah uga shaqaynaysa sidii ay u heli lahayd saxiixa xiddiga RB Leipzig ee Dani Olmo (SPORT).

Manchester City ayaa horay u qabatay wadahadallo ku saabsan u dhaqaaqista Olmo, inkastoo wadahadalladan aan la hormarin (Athletic).

Kooxaha Arsenal Iyo Tottenham ayaa xiiso u muujiyay daafaca dhexe ee kooxda Bologna ee Riccardo Calafiori (Tuttosport).

Kooxda Atletico Madrid ayaa u sheegtay Chelsea in ay ka iibin doonto weeraryahanka Samu Omorodion hadii ay bixiyaan 60 milyan oo euro (Marca).

Kooxda Barcelona ayaa doonaysa in ay labada sano ee soo socota la soo saxiixato xiddigaha Erling Haaland & Julian Alvarez (Ronald Koeman).

Kooxda PSG ayaa Man United ka diiday dalab ay ka gudbisay saxiixa xiddiga Manuel Ugarte (Fabrizio Romano)

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga