Granit Xhaka Oo Qiimeeyay Fursadaha Arsenal Ee Ku Guulaysiga Premier League Xilli Ciyaareedkan.

Ciyaaryahanka kooxda Bayer Leverkusen Granit Xhaka ayaa aaminsan in kooxdiisii ​​hore ee Arsenal ay wali ku guuleysan karto horyaalka Ingiriiska, inkastoo ay guuldarro ka soo gaartay Aston Villa.

Kooxda Arsenal ayaa waxaa Axadii la soo dhaafay guuldaro kala kulantay Aston Villa kulan ka tirsanaa todobaadkii 33-aad ee horyaalka Premier League.

Kooxda Arsenal ayaa haatan leh 71 dhibcood horyaalka premier Legaue iyaga oo 2 dhibcood ka dambeeya kooxda Man City ee hogaaminaysa horyaalka premier League.

Arsenal ayaa sidoo kale arbacadii lasoo dhaafay laga reebay Champions League wareega 8 dhamaadka kadib guuldaro ay kala kulmeen Bayern Munich.

Xhaka yidhi”Tani waa qeyb ka mid ah ciyaarta”.

“6 kulan ayaa ka haray horyaalka Ingiriiska, waxaana wali jirta fursad weyn oo ay ugu guulaysan karto horyaalka”

“Xaqiiqdii waxaan u rajeynayaa wanaag oo dhan, sababtoo ah wali waan taageersanahay iyaga, wali waxaan la xiriiraa shaqaalaha iyo ciyaartoyda, waxaana daawadaa kulamadooda.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga