Dib U Eegid: Man United Oo Dib U Noqotay 53 Sano, Qaab Noocee Ah.

Kooxda Man United ayaa guuldarokala kala kulantay kooxda Arsenal kulan ka dhacay Old Trafford.

Man United ayaa sii wada natiijooyinkii xumaa ee xilli ciyaareedkan kadib guuldaro kale oo soo gaadhay.

Difaaca xun ee Man United ayaa sii waday jabinta rikoodhada xun xilli ciyaareedkan.

Man United ayaa laga dhaliyay goolkii 83-aad ee tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Waa markii ugu horaysay ee Man United laga dhaliyay goolasha intaas leeg xilli ciyaareed kaliya.

Markii ugu dambaysay e Man United xilli ciyaareed kaliya laga dhaliyay goolashaas waxa ay ahayd sanadkii 1971 markaas oo laga joogo 53 sano.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga