Liverpool Ayaa badisay kulankoodii 2-aad oo xidhiidh ah iyaga oo garaacay kooxda Brentford.
Arne Slot ayaa kulanka ku soo galay shaxdii kulankii furitaanka waxana uu doonayay in uu guul ka gaadho kulanka.
Reds ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay kulanka iyaga oo maamulayay ciyaarta.
Daqiiqadii 13-aad ayay Liverpoo dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Mohamed Salah kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Liverpool ahayd kooxda fiican.
Qaybta dambe ayay Liverpool si dar-dar leh ku bilaabatay waxana ay doonayeen in ay ciyaarta dilaan.
Daqiiqadii 70-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay Mohamed Salah kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool badisay kulankeedii 2-aad oo xidhiidh ah.
Be the first to comment