Dhirbaaxo: Liverpool Oo Dhaawac Ku Wayday Xiddig Muhiim Ah Fasaxii Xulalka.

Kooxda Liverpool ayaa dhirbaaxo kala kulantay kulamadii caalamiga ahaa kadib markii uu xiddig muhiim ah ka dhaawacmay.

Xiddiga Andy Robertson ayaa dhaawac uga baxay kulankii uu xulkiisa Soctland la ciyaaray xulka Ireland kulan ka tirsanaa saaxiibtinimooyinka xulalka.

Xiddiga reer Scotland ayaa u muuqday mid ka dhaawacmay kuraanta kadib markii ay isku dheceen xiddig ka soo hor jeeda.

Andy Robertson ayaa sii wadan kari waayay ciyaarta waxana ay keentay in laga badalo ciyaarta.

Xiddiga Andy Robertson ayaa haatan baadhitaan lagu samayn doonaa si loo ogaado inta uu leegyahay dhaawaca soo gaadhay xiddiga.

Klopp ayaa rajaynaya in uuna dhaawaca kabtankiisa 3-aad noqon mid halis ah maadama uu muhiim u yahay kooxda 1-aad.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga