Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay ku guuldareysatay dalab €50m oo ay ku dooneysay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona Frenkie de Jong kaas oo ay ku fashilmeen saxiixiisa xagaagii 2022.
Markii uu yimid Old Trafford 2022, Erik ten Hag waxa uu ka dhigay ujeedkiisa in uu dib ula midoobo De Jong kaas oo ay horay uga soo wada shaqeeyeen Ajax.
Man United ayaa badalka De Jong la soo saxiixatay Casemiro laakiin kooxda ayaa wali doonaysa xiddiga reer Netherlands.
Sida laga soo xigtay wargayska Nacional, Man United ayaa dib u soo cusboonaysiisay xiisaha xiddiga khadka dhexe ee De Jong.
Man United dalab 50 milyan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe si ay u hesho saxiixiisa suuqa xagaagan.
Laakiin Barcelona ayaa diiday dalabka sabab la xidhiidha in madaxweynaha Barcelona ee Laporta u arkay in uu xiddigu u qalmo lacag dhan 85 milyan oo euro.
Be the first to comment