DEG-DEG: Barcelona Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Xiddig Ka Ciyaara Horyaalka Germany.

Kooxda Barcelona ayaa dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa mid ka mid ah xiddigihii ugu fiicnaa tartanka Euro 2024.

Sida laga soo xigtay Sky Sport, Barcelona ayaa dalab 50 milyan ah ka gudbisay xiddig ka ciyaara horyaalka Bundesliga ee Germany.

Barcelona ayaa dalab ka gudbisay saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda RB Leipzig ee Dani Olmo sida ay sheegayaan wararku.

Kooxda Tababare Hansi Flick ayaa diyaar u ah in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga Dani Olmo oo wacdaro ka dhigay tartankii Euro 2024.

Dalabka Barcelona ayaa ah mid furitaan ah waxana ay doonaysa in ay si deg-deg ah u dhamaystirto saxiixa xiddiga si ay uga fogaato in laga afduubto.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga