Christian Eriksen ayaa lagu soo waramayaa inuu ku wargaliyay asxaabtiisa go’aan muhiim ah oo ku saabsan mustaqbalkiisa Manchester United.
32 jirkan ayaa haatan ku maqan waajibaadka caalamiga ah ee Denmark waxana uu xulkiisa u dhaliyay gool kulankoodii ugu horeeyay.
Xiddiga khadka dhexe ee Eriksen ayaa xulkiisa hogaamin doona kulanka ay la ciyaari doonaan xulka England maalinta khamiista.
Inkastoo Eriksen diirada saarayo xulka qarankiisa hadana wargayska Football Insider ayaa sheegaya in uu xiddiga reer Denmark go’aan ka gaadhay mustaqbalkiisa Man United.
Wararka ayaa sheegaya in 32-sano jirkaan uu doonayo inuu isaga tago kooxda Old Trafford xagaagan, taasoo ka dhigeysa inuu soo afjaray labadii sano ee uu joogay kooxda.
Waxaa la fahamsan yahay in kooxaha Sacuudiga iyo Turkiga ay isha ku hayaan Eriksen
Be the first to comment