Chelsea Oo Go’aan Ka Gaadhay Saxiixa Karim Benzema.

Chelsea ayaa iska diiday fursad ay kula soo saxiixan lahayd weeraryahankii hore ee Real Madrid Karim Benzema ka hor dhamaadka suuqa January sida ay sheegayaan wararku.

Benzema ayaa ku riixaya inuu ka tago Al-Itixaad wax ka yar hal sano ka dib markii uu dhameystiray Ku biiristiisii horyaalka sucuudiga.

36-sano jirkaan ayaa loo soo bandhigay kooxo dhowr ah oo ka dhisan Premier League iyo guud ahaan Yurub, iyadoo Arsenal iyo Manchester United ay la xidhiidheen walkiilka xiddiga.

Chelsea ayaa sidoo kale la siiyay fursad ay Benzema ugu soo darto kooxdeeda ka hor dhamaadka suuqa January laakiin Blues ayaa iska diiday saxiixa xiddiga.

Inkasta oo ay chelsea u baahantahay weeraryahan suuqan si ay ugu tartanto boosaska loogu soo boxo tartamada yurub hadana chelsea ayaa iska diiday.

Chelsea ayaa doonaysa in ay diirada saarto xiddigo da’yar ah waxana ay iska diiday saxiixa xiddiga reer France.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga