Chelsea Oo Garaacday Man United & Palmer Oo Saddexley Dhaliyay.

Kooxda Chelsea ayaa garaacday Man United kulan ka dhacay Stamford Birdage kana tirsanaa horyaalka premier League.

Kulanka ayaa ahaa mid xiiso leh oo ay labada kooxoodba si cajiib ah u ciyaareen kulanka.

Daqiiqadii 4-aad ayay Chelsea dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Conor Gallager kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay chelsea ku hogaaminayso.

Blues ayaan halkaas ku joogsan waxana daqiiqadii 19-aad loo dhigay rikoodhe uu gool u badalay xiddiga Cole Palmer kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Man United ayaa bilowday in ay ciyaarta ku soo laabato iyaga oo samaynayay fursado aan kala joogsi lahayn.

Daqiiqadii 34-aad ayay United dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Alejandro Garnacho kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Kooxda Red Devils ayaa sii waday dadaalka iyaga oo doonayay in ay ciyaarta ku soo laabtaan.

Daqiiqadii 67-ad ayay Man United dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Bruno Fernandes kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.

Man United ayaa ciyaarta dhinaca kale u rogtay kadib markii uu xiddiga Alejandro Garnacho dhaliyay goolka 3-aad ee kooxdiisa isaga oo ciyaarta ka dhigay 3/2.

Kooxda Chelsea ayaa sii waday dadaalada ay ku doonayso goolal waxana goolka 3-aad u dhaliyay xiddiga Cole Palmer kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/3.

Xiddiga Palmer ayaa daqiiqadii 90+11-aad dhaliyay goolka 4-aad waxana uu ciyaarta ka dhigay 4/3.

Waxana sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Chelsea guul waali ah ka gaadhay kooxda Man United.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga