Barcelona Oo Ku Dhaw Saxiixa Badalka Xavi.

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay riixayso dadaalada ay ku doonayso saxiixa tababare Hansi Flick.

Hansi Flick ayay Barcelona u doonaysaa badalka Xavi kaas oo uu shaki weyn ku jiro mustaqbalkiisa kooxda.

Tababarihii hore ee xulka qaranka Germany ayaa bilaa shaqo ah tan ilaa markii uu ka tagay xulka qaranka koobkii adduunka.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegaya in ay Barcelona u aragto tababare Hansi Flick mid ku haboon kooxda 1-aad.

Isla saxafiga ayaa sheegaya in uu Hansi Flick doorbidayo ku biirista Barcelona isaga oo iska diiday kooxda Chelsea.

Waxa xusid mudan in agaasimaha Barcelona ee Deco uu la kulmay Flick xilli ay ku sugnaayeen magaalada London.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga