Arsenal Oo Mikel Arteta Ka Dhigaysa Tababaraha Ugu Mushaharka Badan Premier League

Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa lagu soo waramayaa inuu noqon karo mid ka mid ah tababarayaasha ugu mushaharka badan Premier League hadii uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Arteta hal sano ayaa uga hartay qandaraaskiisa haatan ee Emirates Stadium, waxaana uu noqday mid ka mid ah tababarayaashaa Soo kacaya ee ugu fiican yurub.

Caawiyihii hore ee man City ayaa Arsenal ku hogaamiyay Koobka FA Cup-ka xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay.

Sidoo kale Arteta Ayaa kooxda ka caawiyay in ay ku tartanto premier league laba xill ciyaareed Oo xidhiidh ah.

Sida laga soo xigtay Football Insider, Arsenal ayaa wali la dhacsan horumarka uu samaynayo Arteta, waxayna haatan wada xaajood ku saabsan heshiis cusub oo waqti dheer ah kula jiraan tababarahooda.

Inkasta Oo aan la sheegin qiimaha saxd ah hadana mushaharka 9 milyan ee uu Haatan qaato ayaa Aad u kordhi doona.

Wax la sheegayaa in uu tababaruhu xitaa mushahar u qaadan karo 20 milyan Oo euro.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga