Amorim Oo Ka Hadlay Wararka Napoli La Xidhiidhinaya Alejandro Garnacho

Ruben Amorim ma uusan dooneynin inuu ka hadlo wararka xanta suuqa kala iibsiga ee ku hareereysan xiddiga Manchester United Alejandro Garnacho iyadoo lagu soo waramayo inay xiiseynayaan Chelsea iyo Napoli.

Garnacho ayaa lagu soo waramayaa inuu diyaar u yahay iib bishaan iyadoo United ay dooneyso inay lacag u ururiso si ay u horumariso kooxdeeda xanuunsan, inkastoo xagaagii hore ay qarash gareysay ku dhawaad ​​200 milyan.

Napoli ayaa lagu soo waramayaa inay Garnacho ka dhigatay bartilmaameedkeeda ugu sarreeya si ay u buuxiso booska Khvicha Kvaratskhelia, kaasoo todobaadkii hore ugu biiray Paris Saint-Germain heshiis ku kacaya 60 milyan.

Kooxda Man United ayaa la sheegay in ay qiimo la mid ah dul dhigtay madaxa da’yarta weeraryahankeeda.

Chelsea, iyo Tottenham, ayaa sidoo kale lala xiriirinayay Garnacho iyadoo suuqa kala iibsiga January uu galayo maalmihiisii ​​ugu dambeeyay, laakiin Amorim ayaan wax niyad ah u qabin inuu ka hadlo wararka la isla dhexmarayo.

Amorim oo wax laga waydiiyay arimaha ku cusub xaalada Garnacho Ayaa yidhi”Aan diirada saarno ciyaarta, ma rabo inaan ka hadlo taas, gaar ahaan ciyaarta ka hor.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga