Arsenal oo Come – Back aan caadi aheyn kaga soo laabatay Chelsea & difaacashadoodii horyaalka oo sii socota

Arsenal ayaa guul muhiim ah ka gaartay Chelsea kulan ka tirsanaa toddobaadkii 3-aad ee Premier League xilli ciyaareedka 2026/27, iyadoo Gunners ay 2-1 kaga adkaatay Blues garoonka Emirates, Chelsea ayaa ciyaarta si xooggan ku bilaabatay, waxaana daqiiqaddii 2-aad goolka furitaanka u dhaliyay Morgan Rogers, kaasoo kubbad xooggan oo meel ka baxsan xerada ganaaxa ka soo tuuray.

Arsenal ayaa dadaal badan sameysay si ay ciyaarta ugu soo laabato, waxaana dadaalkooda miro dhalay daqiiqaddii 25-aad, markii Kai Havertz uu dhaliyay goolka barbardhaca, iyadoo labada kooxood ay qeybtii hore ku kala nastay 1-1, Bilowgii qeybtii labaad ayay Arsenal si buuxda ciyaarta u rogtay. Daqiiqaddii 50-aad, Martin Ødegaard ayaa si qurux badan uga dhex baxay difaaca Chelsea, isagoo galay xerada ganaaxa ka hor inta uusan kubadda shabaqa ku ridin, taasoo Arsenal siisay hoggaanka 2-1.

Chelsea ayaa isku dayday inay dib ugu soo laabato ciyaarta, balse Arsenal ayaa inta badan gacanta ku heysay kubadda iyo weerarka, iyadoo ugu dambeyn ilaalisay hoggaankeeda ilaa dhamaadka.

Tirakoobka kulanka

  • Arsenal: 15 darbo, 8 bartilmaameed ah
  • Chelsea: 8 darbo, 4 bartilmaameed ah
  • Lahaanshaha kubadda: Arsenal 60% – Chelsea 40%
  • Baasaska: Arsenal 353, saxnaan 88%
  • Baasaska Chelsea: 270, saxnaan 84%

Guushan ayaa Arsenal siisay saddex dhibcood oo muhiim ah, halka Chelsea ay ka soo laabatay Emirates iyadoo la kulantay guuldarro kadib markii ay ciyaarta ku bilaabatay gool degdeg ah.

Arsenal ayaa sidaas ku muujisay awoodda ay u leedahay inay ciyaarta rogto, iyadoo Chelsea ay lumisay hoggaankii ay ku bilaabatay kulanka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga