Super Computer-ka shabakadda caalamiga ah ee Opta ayaa saadaal ka bixiyay kooxda ugu fursadda badan inay ku guuleysato koobka UEFA Champions League xilli ciyaareedka 2026/27, iyadoo tartanka cusub uu bilaabanayo toddobaadka soo socda.
Opta ayaa adeegsatay xog iyo xisaab uu sameeyay Super Computer-keeda si loo qiimeeyo fursadaha kooxaha waaweyn ee Yurub.
Sida saadaasha Opta, Arsenal ayaa noqotay kooxda ugu horreysa ee loo saadaaliyay inay qaadi karto Champions League 2026/27.
Gunners-ka ayaa loo qoondeeyay 21.2% fursad ay ku guuleystaan koobka, taasoo ka dhigaysa kooxda ugu cadcad marka loo eego kooxaha kale.
Bayern Munich ayaa kaalinta labaad kaga jirta saadaasha, iyadoo Super Computer-ku siinayo 19.9% fursad ay ku qaadi karto Champions League.
Waxaa xiga Manchester City, oo haysata 12% fursad guul.
Kooxdii xilli ciyaareedkii hore ku guuleysatay koobka, Paris Saint-Germain, ayaa lagu qiimeeyay 7.7%.
Barcelona ayaa kaalinta shanaad ku jirta, iyadoo loo saadaaliyay 7% fursad ay ku guuleysan karto Champions League.
Dhanka kale, Real Madrid ayaa ku jirta kaalinta lixaad, iyadoo haysata 5.1% fursad.
Liverpool ayaa iyaduna heshay isla boqolkiibaas oo ah 5.1%.
Manchester United ayaa kaalinta siddeedaad kaga jirta liiska, iyadoo Super Computer-ku siinayo 3.7% fursad ay ku guuleysan karto koobka.
Waxaa ku xiga Inter Milan, oo leh 3.4%, halka Aston Villa ay ku jirto kaalinta tobnaad iyadoo haysata 2%.
Who is going to win the Champions League this season?
🤖💻 The Opta supercomputer has spoken, and Arsenal are its favourites for European glory. pic.twitter.com/TzROYRBmCN
— Opta Analyst (@OptaAnalyst) September 4, 2026
10-KA KOOWAAD EE SAADAASHA OPTA:
- Arsenal — 21.2%
- Bayern Munich — 19.9%
- Manchester City — 12%
- Paris Saint-Germain — 7.7%
- Barcelona — 7%
- Real Madrid — 5.1%
- Liverpool — 5.1%
- Manchester United — 3.7%
- Inter Milan — 3.4%
- Aston Villa — 2%
Xilli ciyaareedkii hore, PSG ayaa qaaday Champions League kadib markii ay Arsenal kaga adkaatay rigooreyaal, kaddib markii ciyaartu ku dhammaatay barbaro 1-1 ah.
Haddaba, saadaasha cusub ee Opta waxay Arsenal ka dhigtay kooxda ugu weyn ee loo arko inay qaadi karto koobka xilli ciyaareedka 2026/27, laakiin saadaashan waa qiimeyn tirakoob ah oo keliya, waxaana jawaabta dhabta ah bixin doona tartanka laftiisa.
Be the first to comment