Barcelona ayaa guul weyn ka gaartay Rayo Vallecano, kaddib markii ay 5-2 ugu awood sheegatay kulankii Isniinta ee ka tirsanaa wareegga 3-aad ee La Liga xilli ciyaareedka 2026/27, kulanka oo lagu ciyaaray Camp Nou, Barcelona ayaa hoggaanka ciyaarta ku bilaabatay si aan wanaagsanayn, iyadoo Rayo Vallecano ay gool dhalisay daqiiqaddii 9-aad.
Rayo Vallecano ayaa goolka furitaanka dhalisay daqiiqaddii 9-aad, waxaana u dhaliyay Sergio Camello, Barcelona ayaa jawaabteeda degdeg u bixisay, waxaana daqiiqaddii 12-aad barbareeyay Raphinha.
Daqiiqaddii 19-aad, Lamine Yamal ayaa Barcelona u dhaliyay goolkii labaad, kaddib markii uu kubbad qurux badan ka tuuray bannaanka xerada ganaaxa.
Barcelona ayaa markaas ciyaarta maamulatay, iyadoo heshay goolka saddexaad daqiiqaddii 51-aad, kaddib markii Florian Lejeune uu si khalad ah kubadda ugu dhaliyay goolkiisa, taasoo Barcelona siisay hoggaan 3-1 ah, Rayo Vallecano ayaa mar kale ciyaarta xiiso gelisay daqiiqaddii 59-aad, markii Sergio Camello uu dhaliyay goolkiisii labaad ee kulanka, isaga oo natiijada ka dhigay 3-2, Laakiin Barcelona ma aysan oggolaan inay ciyaartu gacanteeda ka baxdo.
Raphinha ayaa mar kale shabaqa soo taabtay, isagoo dhaliyay goolkiisii labaad ee kulanka iyo goolkii afraad ee Barcelona, tababare Hansi Flick ayaa daqiiqaddii 85-aad garoonka kusoo daray ciyaaryahanka reer Masar Hamza Abdelkarim, kaasoo beddelay Raphinha.
Raphinha ayaa intii uu garoonka ka baxayay helay sacab iyo bogaadin xooggan oo uga timid taageerayaasha Barcelona, kaddib bandhiggii uu sameeyay.
Hamza Abdelkarim ayaa sidoo kale sabab u noqday in ciyaaryahanka Rayo Vallecano Adrià Pedrosa loo taago kaarka jaallaha ah daqiiqaddii 90-aad, kaddib markii uu qalad ku galay, daqiiqaddii 91-aad, Lamine Yamal ayaa mar kale shabaqa gaaray, isagoo dhaliyay goolkii shanaad ee Barcelona kaddib baas uu ka helay Ademola Lookman.
Yamal ayaa sidaas ku dhammaystiray bandhig cajiib ah, halka Barcelona ay kulanka ku soo afjartay 5-2, guushan ayaa Barcelona siisay 9 dhibcood, iyadoo hadda hoggaanka La Liga ku jirta, dhanka kale, Rayo Vallecano ayaa weli leh hal dhibic, waxayna ku jirtaa kaalinta 18-aad ee kala sarreynta.
Barcelona 5-2 Rayo Vallecano
⚽ Raphinha 12′, 4?
⚽ Lamine Yamal 19′, 91′
⚽ Florian Lejeune OG 51′
⚽ Sergio Camello 9′, 59′
Barcelona ayaa sidaas ku muujisay awooddeeda weerar, iyadoo Yamal iyo Raphinha ay ahaayeen xiddigihii ugu muhiimsanaa ee kulanka.
Be the first to comment