DIB U-EEGID:- Arsenal oo dhigtay Rikooro & Taariikhda & Arteta oo baal dahab ah kagalay Arsenal

Arsenal ayaa guul 1-0 ah ka gaartay Aston Villa, iyadoo Mikel Arteta uu weli doonayo inuu maalinta ugu dambeysa suuqa kala iibsiga la soo saxiixdo weeraryahan kale.

Si kastaba ha ahaatee, haddii kooxdiisu ay sii waddo qaabkan adag ee ay u difaacanayso, Arteta uma baahna inuu khilaaf ama caro ka muujiyo agaasimaha ciyaaraha Andrea Berta.

Arsenal ayaa mar kale loo arkaa kooxda ugu cadcad inay hanato Premier League, waxaana jira sabab cad oo arrintaas keentay.

Arteta oo gaaray 250 kulan oo Premier League ah

Kulankii Aston Villa wuxuu Mikel Arteta u ahaa kulan taariikhi ah, maadaama uu noqday qofkii labaad ee maamulay ugu yaraan 250 kulan, isla markaana maamulay ugu yaraan 250 kulan oo Premier League ah.

Arteta wuxuu ciyaaryahan ahaan Premier League uga soo muuqday 284 kulan, halka kulankan uu ahaa kulankiisii 250-aad ee tababarenimo.

Qofka kale ee sidaas sameeyay waa Mark Hughes, kaasoo ciyaaray 297 kulan, isla markaana maamulay 466 kulan.

Riccardo Calafiori oo si joogto ah uga qeyb qaadanaya goolasha

Shantii kulan ee ugu dambeeyay ee Premier League ee uu Riccardo Calafiori Arsenal u ciyaaray, wuxuu ku lug lahaa goolal sidan:

  • MD1, 2025/26: Gool uu ka dhaliyay Manchester United.
  • MD2, 2025/26: Laba caawimo oo uu ka sameeyay Leeds.
  • MD1, 2026/27: Caawimo uu ka sameeyay Coventry.
  • MD2, 2026/27: Caawimo uu ka sameeyay Aston Villa.

Taasi waxay muujinaysaa in Calafiori uu door muuqda ku leeyahay weerarka Arsenal, inkastoo uu yahay daafac.

Aston Villa oo aan wax shot on target ah sameyn

Aston Villa ayaa noqotay kooxdii labaad tan iyo xilli ciyaareedkii 2003/04 ee ku guuldarreysata inay sameyso xitaa hal shot oo bartilmaameed ah labadeeda kulan ee ugu horreeya Premier League xilli ciyaareed.

Kooxdii ugu horreysay ee sidaas sameysa waxay ahayd Swansea xilli ciyaareedkii 2017/18.

Arsenal oo 1-0 ku guuleysatay marar badan

Guushii Aston Villa waxay ahayd guushii 14-aad ee Arsenal ay 1-0 ku gaarto Premier League saddexdii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay.

Tiradaas waxay lix guul ka badan tahay koox kasta oo kale oo Premier League ah muddadaas.

Arsenal oo difaac ahaan aad u adag

Labadii kulan ee ugu horreeyay Premier League xilli ciyaareedka 2026/27, Arsenal ayaa wajahday:

  • 11 darbo – tiradii ugu yareyd ee koox Premier League ah ay wajahdo.
  • 1 shot on target – sidoo kale tiradii ugu yareyd.
  • 0.52 xG – kooxda kasoo horjeedda Arsenal waxay abuurtay xG-ga ugu hooseeya labada kulan ee ugu horreeya.

Sidaas darteed, inkastoo Arteta uu doonayo weeraryahan cusub maalinta ugu dambeysa suuqa, xogtu waxay muujineysaa in Arsenal ay xilli ciyaareedka si aad ah ugu bilaabatay dhinaca difaaca.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga