Manchester United ayaa go’aan ka gaartay saxiixa Alejandro Balde, iyadoo kooxda Ingiriiska ay u aragto heshiiska daafaca bidix ee Barcelona mid dhaqaale ahaan aad u qaali ah.
United ayaa dooneysay Balde inay ku qaadato amaah, iyadoo heshiiska lagu dari karo qodob iib ah ama waajib iibsi oo ku xiran shuruudo. Laakiin Barcelona waxay si cad u sheegtay in haddii 22-jirkan uu baxayo, ay rabto iib rasmi ah oo keliya, mana aqbalayso amaah.
Wakiilka Balde, Jorge Mendes, ayaa United u gudbiyay shuruudaha Barcelona kadib wada-hadallo dhacay Axaddii, Barcelona waxay ciyaaryahanka ku qiimeyneysaa ku dhawaad €40 milyan, halka Manchester United aysan diyaar u ahayn inay bixiso lacagtaas.
Arrinta kale ee heshiiska adkeyneysa ayaa ah in Balde uu doonayo inuu sii joogo Barcelona oo uu booskiisa kooxda uga dagaallamo.
Si kastaba, Fabrizio Romano wuxuu sheegay in Manchester United ay weli filayso inay la soo saxiixato daafac bidix ka hor inta uusan suuqa kala iibsigu xirmin, balse Balde hadda wuxuu u muuqdaa mid aad uga fog Old Trafford.
Be the first to comment