DEG DEG Manchester United oo Talaab culus uqaaday Saxiix Super ah waa Kuma ….?

Kooxda Manchester United ayaa bilaawday inay sahmiso suurtagalnimada ay kula soo saxiixan karto daafaca bidix ee Newcastle United, Lewis Hall, inta lagu jiro suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Wararka ayaa sheegaya in United ay qiimeyn ku sameyneyso heshiiska ciyaaryahanka 20 jirka ah, iyadoo raadineysa xoojin dhanka daafaca bidix ka hor bilowga xilli ciyaareedka cusub.

Lewis Hall ayaa si weyn uga dhex muuqday Newcastle tan iyo markii uu kooxda ku biiray, isagoo lagu ammaano difaac adag, weerar ku biirid joogto ah iyo awood uu ku ciyaari karo boosal kala duwan oo dhanka bidix ah.

Ilaa iyo hadda ma jiro dalab rasmi ah oo Manchester United u dirtay Newcastle, waxaana labada dhinac u dhexeeya oo keliya xiiseyn iyo qiimeyn ku saabsan suurtagalnimada heshiiska.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga