HABEEN CAJIIB AH :- Real Madrid oo xasuuqday Kooxda Real Sociedad & Mbappe oo hatrick dhaliyey

Real Madrid ayaa xalay guul muhiim ah ka gaartay Real Sociedad, iyadoo Santiago Bernabéu ku garaacday 4-1, kulan ay kooxda José Mourinho ku muujisay awooddeeda gaar ahaan qeybtii labaad, Madrid ayaa ciyaarta ku bilaabatay si aan xawaare badan lahayn, waxaana Real Sociedad ay si wanaagsan isaga caabbisay weerarradii kooxda martida loo ahaa.

Real Madrid ayaa ugu dambeyn daqiiqaddii 40-aad heshay goolka furitaanka, waxaana dhaliyay Kylian Mbappé, kadib markii Federico Valverde uu kubbad qurux badan u soo dhigay weeraryahanka Faransiiska, kaas oo si heer sare ah u xakameeyay kubadda ka hor inta uusan shabaqa dhex dhigin.

Laakiin Real Sociedad ayaa jawaab degdeg ah bixisay daqiiqaddii 44-aad, Sucic ayaa ka faa’iideystay kubbad dheer oo difaaca Madrid qalqal gelisay, wuxuuna si fiican u dhameystiray fursadda, taasoo qeybtii hore ka dhigtay 1-1.

Qeybtii labaad ayuu Madrid gebi ahaanba beddelay muuqaalka ciyaarta kooxda Mourinho ayaa kordhisay cadaadiska, waxaana Mbappé uu daqiiqaddii 60-aad dhaliyay goolkiisii labaad, kadib isku xirnaan wanaagsan oo uu la sameeyay Jude Bellingham.

Kadib goolka labaad, Real Sociedad ayaa bilowday inay lumiso awooddii ay ku difaacanaysay,  Vinícius Júnior ayaa dhaliyay goolka saddexaad, kadib kubbad uu ka faa’iideystay qalad ka dhacay kooxda martida ahayd, isagoo sidoo kale ciyaarta ka dhigtay mid Madrid si buuxda gacanta ugu hayso, dhamaadka ciyaarta, Mbappé ayaa mar kale soo muuqday, Vinícius ayaa u sameeyay baas cajiib ah waxaana Mbappé uu kubadda ka dul mariyay goolhaye Remiro, isagoo dhaliyay goolkiisii saddexaad ee kulanka, kuna dhammeystiray hat-trick.

Sidaas ayay Real Madrid ugu adkaatay Real Sociedad 4-1, iyadoo Mbappé noqday xiddigii ugu weynaa ciyaarta. Guushan waxay sidoo kale muujisay in kooxda Mourinho ay awood u leedahay inay ciyaarta beddesho marka qeybta hore aysan wax walba u socon sidii la rabay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga