Chelsea ayaa heshiis afka ah la gaartay Aston Villa si ay ula soo saxiixato xiddiga khadka dhexe ee weerarka Morgan Rogers, sida uu sheegay wariyaha lagu kalsoon yahay ee David Ornstein.
Kooxda reer London ayaa oggolaatay inay bixiso £117 milyan, inkastoo faahfaahinta ugu dambeysa ee heshiiska wali la dhammeystirayo. Rogers ayaa la filayaa inuu qalinka ku duugo heshiis lix sano ah oo soconaya ilaa 2032, iyadoo kooxda ay haysato ikhtiyaar hal sano oo dheeraad ah. Baaritaanka caafimaadkana waxaa loo qorsheeyay Isniinta.
23 jirkan ayaa si cad u doortay inuu ku biiro Chelsea, iyadoo tababaraha cusub Xabi Alonso iyo mashruuca kooxda ay si weyn u soo jiiteen. Arsenal ayaa sidoo kale xiisaynaysay saxiixiisa, balse Rogers ayaa doorbiday inuu u wareego Stamford Bridge.
Morgan Rogers ayaa Aston Villa kaga biiray Middlesbrough bishii February 2024 lacag dhan £7 milyan, iyadoo lagu daray gunnooyin gaari kara £8 milyan. Tan iyo markaas wuxuu isu beddelay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu saameynta badan Premier League, isagoo 31 gool dhaliyay isla markaana bixiyay 29 caawin 125 kulan oo uu u saftay Villa.
Xilli ciyaareedkii 2025-26, Rogers wuxuu dhaliyay 14 gool, wuxuuna bixiyay 12 caawin 55 kulan oo tartamada oo dhan ah, isagoo ka caawiyay Aston Villa inay u soo baxdo Champions League isla markaana ku guuleysato Europa League.
Rogers ayaa sidoo kale qayb ka ahaa xulka England ee Koobka Adduunka 2026, isagoo ciyaaray dhammaan lixdii kulan ee xulkiisu yeeshay ilaa hadda. Wuxuu caawiyay goolkii kaliya ee England ay ka dhalisay kulankii semi-finalka ee Argentina, waxaana la filayaa inuu safka England ku sii jiro kulanka kaalinta saddexaad ee ay la ciyaarayaan France.
Be the first to comment