Xulka England Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Thomas Tuchel Kadib Guuldaradii Argentina.

Xiriirka Kubadda Cagta England (FA) ayaa qorsheynaya inuu sii wado wada shaqeynta tababare Thomas Tuchel, inkastoo xulka England laga reebay tartanka Koobka Adduunka 2026 kadib guuldarradii ay kala kulmeen Argentina ee semi-finalka.

Mas’uuliyiinta FA ayaa rumeysan in hal guuldarro aysan waxba ka beddeli doonin qorshahooda fog, waxaana ay doonayaan in Tuchel sii hoggaamiyo xulka ilaa Koobka Qaramada Yurub (EURO) ee soo socda. Sidaas darteed, wax isbeddel ah laguma samayn doono kursiga tababarenimada.

Thomas Tuchel ayaa intii uu hoggaaminayay England soo bandhigay horumar muuqda, isagoo kooxda gaarsiiyay afar dhammaadka Koobka Adduunka. Inkastoo ay ku hareen Argentina, haddana maamulka FA wuxuu ku qanacsan yahay jihada iyo qaabka uu kooxda u dhisayo.

England ayaa semi-finalka hoggaanka ciyaarta qabatay markii Anthony Gordon uu dhaliyay goolka furitaanka, balse Argentina ayaa dhalisay laba gool oo dambe, taasoo u suuragelisay inay u gudubto finalka halka England ay seegtay fursaddii ay koobka ugu tartami lahayd.

Go’aanka FA ee ah inay sii hayso Thomas Tuchel ayaa muujinaya kalsoonida ay ku qabaan tababaraha reer Jarmal, iyagoo rajeynaya inuu kooxda ku hoggaamiyo guulo waaweyn tartamada soo socda, gaar ahaan EURO ee xiga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga