Nico O’Reilly Oo U Jawaabay Haaland Ka Hor Kulanka 8 Dhamaadka Koobka Adduunka.

Difaaca bidix ee xulka England, Nico O’Reilly, ayaa sheegay in kulanka 8 dhamaadka Koobka Adduunka 2026 ee ay la ciyaarayaan Norway uu noqon doono mid adag, inkastoo Erling Haaland uu sheegay in cadaadiska oo dhan uu saaran yahay England.

O’Reilly, oo 21 jir ah isla markaana saaxiib la ah Haaland kooxda Manchester City, ayaa sheegay in hadallada Haaland laga yaabo inay yihiin xeelad maskaxeed.

Wuxuu yiri: “Waxaa laga yaabaa inay tahay ciyaar maskaxeed, laakiin Norway waa koox wanaagsan. Waxay tayadooda muujiyeen intii uu socday tartankan, mana aha koox ku tiirsan hal ciyaaryahan oo keliya.”

Isagoo ka hadlayay Haaland, O’Reilly wuxuu qiray in weeraryahanka Norway uu yahay ciyaaryahan aad u khatar badan.

Wuxuu sheegay: “Erling waa Erling. Waan wada ognahay waxa uu sameyn karo. Waa gooldhaliye aad u halis badan, gaar ahaan gudaha diilinta ganaaxa, waxaana muhiim ah inaan ka hor istaagno inay kubadda gaarsiiyaan.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga