Faransiiska oo U Gudbay Afar-dhamaadka, Mbappé iyo Dembélé oo Dhirbaaxo Ku Dhuftay Morocco

Faransiiska ayaa u soo baxay afar-dhamaadka Koobka Adduunka 2026, kadib markii ay 2-0 kaga adkaadeen Morocco kulankii afar-dhammaadka ee ka dhacay magaalada Boston.

 

Faransiiska ayaa si xooggan ku bilowday ciyaarta, waxaana daqiiqaddii 4-aad fursad weyn helay Kylian Mbappé, balse goolhayaha Morocco, Yassine Bounou, ayaa sameeyay badbaadin cajiib ah. Wax yar kadib, Dayot Upamecano ayaa madax ku sigtay inuu gool dhaliyo, hase yeeshee Bounou ayaa mar kale muujiyay tayadiisa.

 

Daqiiqaddii 28-aad, Faransiiska waxaa loo dhigay rigoore uu tuurtay Mbappé, balse Bounou ayaa si heer sare ah u qabtay kubadda, isagoo sii ilaaliyay shabaqiisa. Goolhayaha Morocco ayaa sidoo kale diiday fursado kale oo halis ahaa oo ay heleen Désiré Doué daqiiqaddii 35-aad iyo Lucas Digne waqtigii dheeriga ahaa ee qeybtii hore.

 

Qeybtii labaad ayaa ahayd mid aad u xamaasad badan, gaar ahaan Morocco oo dadaal badan muujisay. Si kastaba ha ahaatee, Kylian Mbappé ayaa jebiyay difaaca Morocco, isagoo daqiiqaddii 60-aad dhaliyay gool qurux badan oo uu ka toogtay gudaha diilinta ganaaxa.

 

Faransiiska ayaa lix daqiiqo kadib sii dheereystay hoggaanka, markii Ousmane Dembélé uu dhaliyay goolka labaad daqiiqaddii 66-aad, kaddib baas qurux badan oo uu ka helay Mbappé. Dembélé ayaa gudaha xerada ganaaxa ku galay kubadda, wuxuuna ku dhammeystiray darbo hoose oo shabaqa gashay, iyadoo Bounou uusan markan waxba ka qaban karin.

 

Daqiiqaddii 83-aad, Azzedine Ounahi ayaa meel fog ka tuuray kubad xooggan, balse goolhayaha Faransiiska ayaa si dhib badan u badbaadiyay. Morocco ayaa sidoo kale ku dhowaatay inay gool iska soo celiso markii Ayinawi uu madax ku laadey kubad koorne ka timid, balse waxay martay bannaanka shabaqa. Dhinaca kale, Parkoula ayaa tijaabiyay darbo xooggan oo Bounou u leexiyay koorne, halka uu sidoo kale badbaadiyay fursad kale oo uu helay Jean-Philippe Mateta daqiiqaddii 90+3.

 

Guushan ayaa ka dhigan in Faransiisku u soo baxay afar-dhamaadka Koobka Adduunka 2026, halkaas oo ay ku wajihi doonaan kooxda ku soo baxda kulanka u dhexeeya Spain iyo Belgium.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga