Kabtanka Newcastle United, Bruno Guimarães, ayaa lagu soo waramayaa inuu heshiis shaqsi ah la gaaray Arsenal FC oo soconaya muddo shan sano ah.
Sida ay sheegtay warbaahinta L’Equipe, xiddiga xulka Brazil ayaa weli ku adkeysanaya inuu ku biiro kooxda ku guuleysatay horyaalka Premier League xagaagan.
Guimaraes ayaa hadda sugaya in Newcastle United iyo Arsenal ay ka heshiiyaan qiimaha kala iibsiga. Wararka ayaa sheegaya in dalabkii ugu horreeyay ee Arsenal oo gaarayay ku dhowaad €70 milyan ay Newcastle diiday.
Waxaa la filayaa in Arsenal ay dib ula soo laabato dalab cusub oo ku dhow €80 milyan si ay u hesho saxiixa khadka dhexe ee reer Brazil.
Haddii Newcastle ay aqbasho dalabkaas, Olympique Lyonnais waxay heli doontaa €6 milyan, maadaama ay ku dartay qodob boqolkiiba iibka dambe (sell-on clause) markii ay Guimaraes uga iibisay Newcastle.
Dhanka kale, Arsenal ayaa hore u soo gabagabeysay saxiixyada Piero Hincapié iyo Illan Meslier, iyadoo kooxda ay sii waddo xoojinta safkeeda ka hor xilli ciyaareedka cusub.
Be the first to comment