Harry Kane Oo Jabiyay Rikoodhkii Pelé Ee Koobka Adduunka.

Kabtanka England, Harry Kane, ayaa haatan ka dhaliyay Koobka Adduunka goolal ka badan halyeeygii Brazil, Pelé.

Kane ayaa dhaliyay laba gool markii xulka England uu 2-1 kaga adkaaday Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo kulankii wareegga 32-ka ee la ciyaaray Arbacadii.

Kooxda uu tababaro Thomas Tuchel ayaa qeybtii hore ee ciyaarta looga hormaray gool uu si qurux badan u dhaliyay Brian Cipenga.

Si kastaba ha ahaatee, Harry Kane ayaa dhaliyay laba gool oo dambe, kuwaas oo England u xaqiijiyay u soo bixitaanka wareegga 16-ka, halkaas oo ay kula ciyaari doonaan Mexico oo ka mid ah dalalka martigelinaya Koobka Adduunka.

Labada gool ee Kane ayaa ka dhigay inuu haatan leeyahay 13 gool oo Koobka Adduunka ah, isagoo sidaas uga gudbay rikoodhkii halyeeyga Brazil, Pelé.

Weeraryahanka Bayern Munich ayaa sidoo kale noqday gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda England ee Koobka Adduunka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga