Xulalka Senegal iyo Congo ayaa noqotay xulalkii ugu dambeeyay ee Afrika ka tirsan ee laga reebo Koobka Adduunka 2026.
Xulka loo yaqaan DR Congo ayaa 2-1 guuldarro kala kulmay England fiidnimadii Arbacada, inkastoo ay si lama filaan ah hoggaanka u qabteen kulankii wareegga 32-ka.
Brian Cipenga ayaa kubbad xooggan ku garaacay goolhaye Jordan Pickford, taasoo shabaqa gashay dhinaca tiirka dhow, wuxuuna sidaas Congo ugu dhiibay hoggaanka ciyaarta.
Inkasta oo Harry Kane loo diiday rigoore muran dhalisay, haddana weeraryahanka Bayern Munich ayaa dhaliyay laba gool oo cajiib ah, kuwaas oo England u horseeday guusha iyo u soo bixitaanka wareegga 16-ka.
Dhinaca kale xulka Senegal ayaa guuldaro kala kulantay Xulka Belguim inkasta oo ay 2 gool ku horumareen.
Xulalka DR Congo iyo Senegal ayaa sidaas ugu biirtay Tunisia, Ivory Coast iyo South Africa oo dhammaantood ka haray Koobka Adduunka 2026 kuna hadhay wareega 16-ka tartanka.
Be the first to comment