Harry Kane Oo Guul Soo Laabasho Leh Ku Hogaamiyay England, DR Congo Ayay Garaaceen.

Xulka qaranka England ayaa u soo baxay wareegga 16-ka ee Koobka Adduunka, kaddib markii ay 2-1 kaga adkaadeen Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo kulan xiiso badan oo dhacay Arbacadii, kana tirsanaa wareegga 32-ka.

Bilowgii ciyaarta ayaa Congo si lama filaan ah hoggaanka u qabatay, iyadoo Bryan Sibianga uu dhaliyay goolka furitaanka daqiiqaddii 7-aad, kaddib caawin uu ka helay Chancel Mbemba. England ayaa lumisay fursado badan oo ay ku dhalin kartay gool, halka goolhayaha Congo uu soo bandhigay ciyaar heer sare ah.

Daqiiqaddii 42-aad, Harry Kane ayaa dalbaday rigoore kaddib markii goolhayaha Congo uu ku dhacay gudaha xerada ganaaxa, balse garsooraha ayaa diiday codsigaas, waxaana qeybtii hore lagu kala nastay iyadoo Congo ay hoggaanka hayso.

Qeybtii labaad, England ayaa kordhisay cadaadiska weerarka, iyagoo helay laba fursadood oo waaweyn oo ay ku dhalin kareen gool, kuwaas oo ay heleen Marcus Rashford iyo Jude Bellingham, balse goolhayaha Congo Lionel Mbasi ayaa sii watay bandhiggiisii cajiibka ahaa.

Harry Kane ayaa ciyaarta barbaro ka dhigay daqiiqaddii 76-aad isagoo madax ku dhaliyay kubbad uu u soo qaaday Gordon. Kane ayaa markale dhaliyay goolka guusha daqiiqaddii 86-aad, isagoo mar kale ka faa’iideystay caawin uu bixiyay Gordon.

Guushan ayaa ka dhigan in England ay wajihi doonto Mexico wareegga 16-ka ee Koobka Adduunka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga