Laba Kulan OO Kale Oo Wareega 16-ka Koobka Adduunka Oo La Xaqiijiyay.

Ugu yaraan laba kulan oo ka tirsan wareegga 16-ka ee Koobka Adduunka ayaa si rasmi ah loo xaqiijiyay.

Tani waxay timid kaddib markii Norway ay Talaadadii 2-1 kaga adkaatay Ivory Coast ciyaartii wareegga 32-ka.

Norway ayaa u gudubtay wareegga 16-ka kaddib markii Antonio Nusa iyo Erling Haaland ay u dhaliyeen labada gool ee guusha.

Goolkii uu Amad Diallo dhaliyay daqiiqaddii 72-aad ayaan ku filnayn Ivory Coast, kuwaas oo sidaas uga haray tartanka.

Norway ayaa hadda wajihi doonta Brazil kulanka wareegga 16-ka ee Axadda, iyadoo labada xul ay u tartami doonaan booska wareegga siddeedda (Quarter-final-ka).

Dhanka kale, Morocco ayaa Sabtida la ciyaari doonta Canada oo ka mid ah dalalka martigelinaya Koobka Adduunka, kaddib markii ay wareegga 32-ka ka reebtay Netherlands.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga