Ugu yaraan shan waddan ayaa xaqiijistay u soo bixitaankooda wareegga 16-ka ee Koobka Adduunka ee FIFA.
Tani waxay timid kaddib markii Norway ay 2-1 kaga adkaatay Ivory Coast ciyaartii wareegga 32-ka oo la ciyaaray Talaadadii.
Norway ayaa si rasmi ah ugu gudubtay wareegga 16-ka, waxaana goolasha guusha u kala dhaliyay Antonio Nusa iyo Erling Haaland. Halka goolka keliya ee Ivory Coast uu dhaliyay Amad Diallo, balse uusan ku filnayn inay ka badbaadaan guuldarrada.
Norway ayaa sidaas ku biirtay dalalka Canada, Morocco, Paraguay iyo Brazil oo horey u xaqiijistay u soo bixitaankooda wareegga 16-ka.
Wareegga 16-ka ee Koobka Adduunka ayaa bilaaban doona Sabtida, iyadoo kulanka ugu horreeya ay iskaga hor imaan doonaan Canada iyo Morocco.
Dhanka kale, kulammada kale ee wareegga 32-ka ayaa la ciyaari doonaa maanta iyo berri.
Be the first to comment