Andrey Santos ayaa si weyn uga hadlay tayada ciyaartoyda uu xilli ciyaareedkan la wadaagayo, isagoo si gaar ah u amaanay Bruno Fernandes iyo Youri Tielemans.
Santos ayaa sheegay in kooxda ay ka buuxaan ciyaartoy tayo leh, wuxuuna muujiyay farxaddiisa ku aaddan inuu garoonka iyo qolka labiska kula jiro labada khabiir ee khadka dhexe:- “Waxaan haysannaa ciyaartoy badan oo tayo leh.”
Isagoo ka hadlayay Bruno Fernandes iyo Youri Tielemans, Santos wuxuu yiri: – “Bruno Fernandes iyo Youri Tielemans waa ciyaartoy heer caalami ah, aad ayaan ugu faraxsanahay inaan iyaga la joogo.”
Hadalladan ayaa muujinaya sida Santos uu u qiimeynayo khibradda iyo tayada labada ciyaaryahan, gaar ahaan Bruno Fernandes oo muddo dheer ahaa hoggaamiye muhiim ah oo khadka dhexe ah.
Santos, oo ah ciyaaryahan khadka dhexe ka ciyaara, ayaa sidoo kale fursad u helaya inuu wax badan ka barto labada ciyaaryahan, iyadoo tartanka boosaska khadka dhexe uu xilli ciyaareedkan noqon karo mid aad u adag.
Fariinta Santos waa cad tahay: kooxda waxay leedahay tayo badan, isaga na wuxuu doonayaa inuu ka faa’iideysto fursadda uu kula ciyaarayo ciyaartoyda uu ku tilmaamay “WORLD CLASS.”
Be the first to comment