Kyle Walker ayaa sheegay inuu si weyn uga go’an yahay inuu Burnley ka caawiyo inay si degdeg ah ugu soo laabato Premier League, kadib markii kooxda ay xilli ciyaareedkii hore u dhacday Championship-ka.
Daafaca 36 jirka ah ayaa markii ugu dambeysay Championship-ka ka ciyaaray 15 sano ka hor, xilligaas oo uu amaah ugu maqnaa QPR xilli ciyaareedkii 2010/11. Waqtigaas Walker weli ma uusan ciyaarin xitaa hal kulan oo England ah, balse tan iyo markaas wuxuu noqday mid ka mid ah ciyaartoyda ugu koobabka badan jiilkiisa, isagoo ku guuleystay 17 koob.
Walker ayaa sheegay in waayo-aragnimadii uu QPR ku qaatay ay ahayd mid muhiim u ah horumarkiisa.
“Waxay ahayd qayb weyn oo xirfaddayda ah. Championship-ku wuu ku adkeeyaa, laakiin sidoo kale wax ayuu ku baraa, mararka qaarna aad buu kuu hoosaysiiyaa.”
Burnley oo doonaysa inay qaladkii saxdo
Burnley ayaa xilli ciyaareedkii hore mar kale ka dhacday Premier League, waxaana Walker sheegay in relegation-ka uu kaga tagay dareen xun.
“Waxay afkayga ku reebtay dhadhan qadhaadh. Waxaan rabaa inaan saxno arrintaas, ma aha aniga oo keliya, laakiin sidoo kale taageerayaasha iyo ciyaartoyda kooxda ku haray.”
Walker wuxuu aaminsan yahay in tayada kooxda Burnley ay ku filan tahay inay dib ugu soo laabato Premier League.
“Waxaan dareemeynaa waajib inaan saxno, Tayada aan qolka labiska ku hayno awgeed, waa inaan u soo dalacnaa Premier League.”
Walker ayaa sidoo kale la xiriiray tababarihii hore ee Burnley, isla markaana ay hore uga wada tirsanaayeen Manchester City, Vincent Kompany, si uu uga helo talo ku saabsan sida loo maareeyo Championship-ka.
Kompany wuxuu Burnley hore ugu soo celiyay Premier League isagoo Championship-ka ku qaaday in ka badan 100 dhibcood, wuxuuna kooxda xilligaas ka dhigay mid si weyn uga awood badan kooxihii kale.
Walker wuxuu sheegay in Kompany uga digay culayska laga filayo Burnley, balse uu sidoo kale u sheegay inay tahay fursad lagu raaxaysto.
“Wuxuu ii sheegay inay adag tahay, gaar ahaan cadaadiska ah inaad tahay kooxda la filayo inay guuleysato. Laakiin sidoo kale waa wax lagu raaxeysto, sababtoo ah mar kale waxaad noqoneysaa koox weyn oo kubbadda badan haysata.”
Be the first to comment