Arsenal FC ayaa la sheegay inay wadahadallo la furtay Lille OSC si ay ula soo wareegto Ayyoub Bouaddi.
Warbixin kasoo baxday The Times ayaa sheegtay in labada kooxood ay ku jiraan wadaxaajoodyo ku saabsan xiddiga reer Morocco, kaasoo si weyn u soo jiitay indhaha taageerayaasha iyo kooxaha waaweyn intii uu socday Koobka Adduunka.
Sida ay sheegtay TalkSPORT, Lille waxay ku qiimeysay Bouaddi lacag u dhexeysa £50 milyan ilaa £60 milyan.
Arsenal kaliya ma aha kooxda xiisaynaysa da’yarkan, waxaana sidoo kale isha ku haya:
- Liverpool FC
- Real Madrid CF
Haddii Arsenal ay heshiiska dhammaystirto, Bouaddi wuxuu noqon karaa mid ka mid ah saxiixyada ugu waaweyn ee kooxda xagaagan, iyadoo lagu tilmaamayo khad dhexe oo leh farsamo, degganaansho iyo karti sare inkastoo uu weli yahay ciyaaryahan da’yar.
Be the first to comment