Xulka Germany Oo Guul Soo Laabasho Leh Ka Gaadhay Xulka Ivory Coast.

Xulka Qaranka Germany ayaa guul xiiso leh oo 2-1 ah ka gaaray dhiggiisa Ivory Coast kulan ka tirsanaa wareegga labaad ee heerka guruubyada Koobka Adduunka, kaas oo lagu ciyaaray BMO Field fiidnimadii Sabtida.

Xulka Jarmalka ayaa u muuqday inuu goolal hore dhaliyay, markii Aleksandar Pavlovic uu shabaqa soo taabtay daqiiqaddii 22-aad, balse goolkaas waa la diiday kadib qalad lagu galay goolhayaha.

Kadib, Franck Kessie ayaa daqiiqaddii 30-aad hoggaanka u dhiibay Côte d’Ivoire.

Daqiiqaddii 39-aad, Florian Wirtz ayaa u dhaliyay Jarmalka gool barbaro ah, balse sidoo kale waa la diiday kadib qalad uu sameeyay ciyaaryahan Jarmal ah ka hor inta aan goolka la dhalin.

Sidaas ayay qaybtii hore ku dhammaatay iyadoo Côte d’Ivoire ay ku hoggaaminayso 1-0.

Qaybtii labaad, Jarmalka ayaa cadaadis xooggan saaray, waxaana daqiiqaddii 68-aad goolka barbaraha u dhaliyay Deniz Undav, kadib kubbad uu ka helay Nadiem Amiri oo uu si qurux badan shabaqa ugu dhammeystiray.

Markii ciyaartu ku dhoweyd inay dhammaato, Deniz Undav ayaa mar kale soo muuqday, isagoo dhaliyay goolkii guusha daqiiqaddii 90+4, si uu Jarmalka ugu xaqiijiyo saddexda dhibcood.

Guushan ayaa kor u qaaday dhibcaha Germany ilaa 6 dhibcood, taasoo u xaqiijisay u soo bixitaanka wareegga 32-ka. Dhanka kale, Côte d’Ivoire waxay ku hadhay 3 dhibcood, iyadoo ku jirta kaalinta labaad ee guruubka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga