Barcelona Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Marcus Rashford Kadib Saxiixa Gordon.

Kooxda Barcelona ayaa go’aansatay inay si joogto ah ula wareegto Marcus Rashford oo ka tirsan Manchester United, kadib markii ay heshiis £70 milyan ah kula gaartay xiddiga Anthony Gordon ee Newcastle United.

Soo bixitaanka Anthony Gordon ee Barcelona ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan mustaqbalka Rashford ee kooxda Blaugrana, kadib xilli amaah ah oo uu si weyn uga dhex muuqday kooxda.

Si kastaba ha ahaatee, sida uu qoray Daily Mail, madaxda Barcelona wali waxay qorsheynayaan inay toddobaadkan ka shaqeeyaan heshiiska Rashford, inkastoo aysan doonayn inay mar kale amaah ku qaataan.

Rashford ayaa xilli ciyaareedkii 2025/26 amaah kaga ciyaaray Barcelona isagoo ka yimid Manchester United.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa si weyn u qanciyay tababaraha Barcelona Hansi Flick, isagoo dhaliyay 14 gool isla markaana bixiyay 10 caawin intii uu amaahda ku joogay kooxda.

Rashford ayaa horey u caddeeyay inuu doonayo inuu sii joogo garoonka Camp Nou wixii ka dambeeya xagaagan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga