Chelsea Oo Ugu Cad-cad Saxiixa Xabi Alonso.

Warbixino soo baxay bilihii la soo dhaafay ayaa sheegayay in Xabi Alonso uu isu diyaarinayo inuu dib ugu soo laabto tababarenimada kahor xilli ciyaareedka cusub, waxaana si gaar ah loola xiriirinayay kooxaha Chelsea iyo Liverpool.

Laakiin war cusub oo kasoo baxay weriyaha caanka ah David Ornstein ayaa lagu sheegay in Alonso “aan hadda lagu tixgelinayn” Liverpool, iyadoo kooxda ay “si buuxda ugu talo gashay” inay sii haysato Arne Slot xilli ciyaareedka dambe.

Arrintan ayaa laga yaabaa inay Chelsea siiso fursad fiican oo ay ku magacaabi karto Alonso. Suxufiga Nicolo Schira ayaa Arbacadii sheegay in Chelsea ay “wadahadallo la yeelatay” tababaraha reer Spain.

Schira wuxuu ku qoray X:“Chelsea F.C. waxay wadahadallo la yeelatay Xabi Alonso si uu u noqdo tababaraha kooxda. Wuxuu noqday musharraxa ay ugu jecel yihiin maamulka Chelsea.”

Warbixin kasoo baxday warbaahinta Spain ee Fichajes ayaa sidoo kale sheegtay in Alonso uu noqday “kan ugu cadcad” inuu qabto shaqada Chelsea, isla markaana uu doonayo inuu lasoo saxiixdo xiddiga Arda Güler ee Real Madrid C.F., kadib markii uu horay ula soo shaqeeyay ciyaaryahanka khadka dhexe xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga