Danny Murphy Oo Saadaaliyay Kulanka Arsenal Iyo PSG Ee Final Champions League

Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee England, Danny Murphy, ayaa taageeray Arsenal inay xilli ciyaareedka ku dhammeystaan guul weyn iyagoo ku guuleysanaya Champions League-ka iyo Premier League-ka labadaba.

Arsenal waligeed kuma guuleysan tartanka ugu weyn Yurub, iyadoo guuldarradii cusleyd ee ay kala kulmeen Barcelona sanadkii 2006 ay ahayd markii keliya ee ay gaaraan final-ka tartankaas.

Labaatan sano kadib, kooxda Mikel Arteta ayaa doonaysa inay tirtirto xusuustii xanuunka lahayd ee habeenkaas ka dhacay Paris, balse waxay ogyihiin inaysan sahlaneyn inay ka adkaadaan kooxda difaacanaysa koobka ee Paris Saint-Germain.

Inkasta oo PSG ay haysato ciyaartoy tayo badan dhammaan qaybaha garoonka, haddana weerarka ayay si gaar ah ugu xooggan yihiin, halkaas oo Luis Enrique uu ku leeyahay hub awood u leh inuu burburiyo koox kasta.

Khvicha Kvaratskhelia, Desire Doue iyo ku guuleystaha Ballon d’Or-ka Ousmane Dembele ayaa dhammaantood qaab ciyaareed heer sare ah ku jira xilli ciyaareedkan.

Ma aha wax lala yaabo in horyaalka France ku guuleystay PSG ay yihiin kooxda ugu goolasha badan Champions League xilli ciyaareedkan, iyagoo dhaliyay 44 gool 16 kulan gudahood, halka Arsenal ay dhalisay 29 gool.

Si kastaba ha ahaatee, Arsenal waxay ku kalsoon tahay awooddeeda, gaar ahaan kubbadaha taagan  kuwaas oo ay dhibaato weyn ku abuureen kooxaha ay la ciyaareen gudaha iyo Yurubba.

Laakiin dhaawaca xilli ciyaareedka soo afjaray ee Ben White ayaa Arteta u horseeday madax-xanuun dhanka xulashada daafaca midig ah, iyadoo Jurrien Timber uusan wali kasoo kaban dhaawaca gumaarka.

“Waxa ugu fiican ee Arsenal u ah ayaa ah in haddii ay xaqiijiyaan hanashada horyaalka, sida hadda muuqata inay sameyn doonaan, Champions League-ku wuxuu noqonayaa wax ay si xor ah u ciyaaraan, cadaadis la’aan,” ayuu sii raaciyay ciyaaryahankii hore ee Liverpool iyo Tottenham Hotspur.

“Waxay ku guuleysteen horyaalka, shaqadii waa dhammaatay, marka waxay si dhab ah ugu raaxeysan karaan final-ka, cadaadiskuna wuu ka degayaa. Laakiin haddii ay hadda khaldaan oo ay barbaro la galaan Burnley ama laga badiyo maalinta ugu dambeysa ee ay la ciyaarayaan Crystal Palace, bal qiyaas waxa dhici kara…”

“Sabab uun, ma garanayo sababta, xitaa ma aha mid macquul ahaan ku dhisan, laakiin waxaan u maleynayaa inay labada koobba qaadi doonaan.”

“Waxay PSG siin doonaan ixtiraam badan, waxayna yareyn doonaan khatartooda weerar iyo awooddooda, kadibna waxay u badan tahay inay ciyaarta ku badin doonaan kubbad taagan ama wax la mid ah, sababtoo ah final-yadu waa kuwo cadaadis badan leh.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga