Kooxda Arsenal ayaa xaqiijisay in Ben White uu maqnaan doono inta ka dhiman xilli ciyaareedka kadib dhaawac culus oo ka gaaray seedaha gudaha jilibka.
White ayaa u muuqday mid ilmeynaya markii uu isagoo dhaawacan garoonka uga baxay qeybtii hore ee ciyaartii xiisaha lahayd ee ay Arsenal kaga badisay West Ham United, kulan dib ugu soo celiyay kooxda shan dhibcood oo ay ku hoggaamineyso horyaalka Premier League.
Tababare Mikel Arteta ayaa qirtay wax yar kadib ciyaarta in dhaawaca White – oo dhacay kadib loollan uu la galay Crysencio Summerville – “uusan u muuqan mid wanaagsan gabi ahaanba”. Daafaca ciyaara dhowr boos ayaa sidoo kale lagu arkay isagoo xirnaa qalab taageera jilibka midig markii uu ka baxayay garoonka London Stadium.
Dhaawacan weyn ayaa la filayaa inuu Ben White ka reebo inta ka dhiman xilli ciyaareedka Arsenal, tartamada gudaha iyo Yurub labadaba, sidoo kale wuxuu seegi karaa koobka adduunka ee England xagaagan haddii loo xulan lahaa.
“Kadib ciyaartii Axaddii ay la yeesheen West Ham United, baaritaanno dheeraad ah iyo qiimeyn ay sameeyeen dhakhaatiir takhasus leh ayaa xaqiijiyay in Ben White uu dhaawac culus ka qabo seedaha gudaha jilibka (medial knee ligament injury), taasoo ka dhigan inuu maqnaan doono inta ka dhiman xilli ciyaareedkan,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay bogga rasmiga ah ee Arsenal galabta.
“Kooxdayada caafimaadka ayaa hadda maamulaysa qorshaha soo kabashada iyo daaweynta Ben, iyadoo dhammaan diiradda la saarayo sidii uu diyaar ugu noqon lahaa bilowga diyaar garowga xilli ciyaareedka cusub.”
Arsenal waxaa u harsan laba kulan oo aad muhiim u ah oo horyaalka ah, kuwaas oo ay la ciyaari doonaan Burnley (18-ka May) iyo Crystal Palace (24-ka May), kahor inta aysan u safrin Budapest si ay ula ciyaaraan Paris Saint-Germain final-ka Champions League-ka 30-ka May.
Tani waxay Mikel Arteta ku reebaysaa madax-xanuun weyn oo dhanka xulashada daafaca midig ah, maadaama Jurrien Timber uusan wali kasoo kaban dhaawaca gumaarka kaga yaal, kaasoo ka maqneysiiyay ciyaaraha ku dhowaad laba bilood.
Be the first to comment