Xiddiga Ku Guulaysanaya Abaalmarinta Ballon d’Or 2026 Oo La Saadaaliyay.

Weeraryahankii hore ee Arsenal  Paul Dickov, ayaa aaminsan in Declan Rice uu noqon karo musharraxa ugu weyn ee ku guuleysan kara abaalmarinta Ballon d’Or, haddii Arsenal ay ku guuleysato UEFA Champions League xilli ciyaareedkan.

“Dickov ayaa sidoo kale ammaan weyn u jeediyay Rice, isagoo ku tilmaamay khadka dhexe ee England “ciyaaryahan dhameystiran oo cajiib ah.”

Wuxuu yiri isagoo la hadlay MrQ, sida uu qoray Irish Mirror:“Declan waa ciyaaryahan cajiib ah oo dhameystiran”

“Haddii Arsenal ku guuleysato Premier League ama aysan ku guuleysan, Champions League-ka ayaa ah waxa ugu muhiimsan marka laga hadlayo Ballon d’Or”

“Sidaas darteed haddii Arsenal ay ku guuleysato Champions League, markaas Declan Rice wuxuu leeyahay fursad weyn oo uu ku qaadi karo Ballon d’Or.”

Declan Rice ayaa kaga soo biiray Arsenal kooxda West Ham United F.C., wuxuuna ilaa hadda noqday mid kamid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan ee kooxda uu tababaro Mikel Arteta.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga