Man United Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Michael Carrick

Manchester United F.C. ayaa bilaabay wadahadallo rasmi ah oo ay la leeyihiin tababaraha ku meel gaarka ah, Michael Carrick, si loogu magacaabo tababaraha joogtada ah ee kooxda.

Sida ay sheegtay talkSPORT, Carrick wuxuu hadda ku jiraa boos adag oo uu shaqada ku heli karo kahor xilli ciyaareedka cusub.

Laacibkii hore ee khadka dhexe ee United ayaa taageero weyn ka helay madaxda sare ee kooxda, kahor kulan guddiga fulinta ee toddobaadkan.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda loo yaqaan Red Devils ayaa ku adkaysanaysa inaan wali go’aan rasmi ah la gaarin, islamarkaana magacyo badan ay wali ku jiraan qorshaha ay baarayaan.

Laakiin wararku waxay sheegayaan in jihada arrimuhu u socdaan ay tahay in Carrick, oo beddelay Ruben Amorim bishii Janaayo, loo magacaabo musharraxa ugu cadcad ee shaqada.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga