Casemiro Oo U Sheegay Maamulka Man United Tababaraha Cusub Ee Kooxda.

Ciyaaryahanka Casemiro ayaa u sheegay madaxda Manchester United inay si rasmi ah shaqada tababarenimo u siiyaan Michael Carrick.

Michael Carrick ayaa noqday mid si weyn loo ammaanay tan iyo markii uu beddelay tababarihii shaqada laga eryay Ruben Amorim isagoo noqday tababare ku meel gaar ah.

Waxa uu hoggaamiyay Manchester United 12 guulood 17 kulan oo ay ciyaareen, waxaana laga adkaaday kaliya laba jeer, taasoo kooxda u sahashay inay u soo baxdo tartanka UEFA Champions League.

Madaxda kooxda ayaa la filayaa inay go’aan gaaraan marka xilli ciyaareedkan uu dhammaado.

Milkiilaha wadaagga ah ee Manchester United, Sir Jim Ratcliffe, wuxuu ogyahay inuu u baahan yahay in tababare si degdeg ah loo magacaabo, si uu u bilaabo qorsheynta xilli ciyaareedka soo socda.

Manchester United weli waxay ka fiirsanayaan dhammaan xulashooyinka suurtagalka ah, iyadoo sidoo kale laga wada hadlayo tababarayaasha Luis Enrique, Julian Nagelsmann iyo Andoni Iraola.

Laakiin Casemiro, oo ka hadlayay barnaamijka “Rio Ferdinand Presents” ee YouTube-ka, ayaa sheegay in Michael Carrick uu madaxda kooxda geliyay xaalad adag, sababtoo ah wuxuu sameeyay wax ka badan intii looga baahnaa si uu shaqada u helo, isagoo ka horreeya musharrixiinta kale ee magaca weyn leh.

Xiddiga reer Brazil Casemiro ayaa ka tagaya Manchester United xagaagan, balse wuxuu ku boorriyey kooxda inay shaqada siiyaan Michael Carrick.

Wuxuu yiri: “Waa dhibaato weyn. Sababtoo ah wuu u qalmaa inuu sii joogo. Runtii wuu u qalmaa inuu sii joogo.”

Casemiro ayaa yiri:“Kooxdu si fiican ayay u ciyaareysaa (xilligaan uu Michael Carrick hoggaaminayo). Wuxuu awood u leeyahay inuu guuleysto kulan kasta. Kooxdu maalinba maalinta ka dambeysa way sii wanaagsanaaneysaa. Kulan kasta kadib horumar ayay sameyneysaa”

“Sidaas darteed aniga ahaan waa dhibaato weyn, sababtoo ah fikradeyda wuxuu u qalmaa fursaddan. Wuxuu mudan yahay in la siiyo fursadda, sababtoo ah kooxdu aad ayay ugu qanacsan tahay isaga. Kooxdu si heer sare ah ayay u ciyaareysaa. Waxaan gaarnay guulo waaweyn — guulo aad u muhiim ah. Marka aniga ahaan, wuxuu mudan yahay fursaddan.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga