DEG-DEG: Jose Mourinho Oo Qarka U Saaran In Loo Magacaabo Tababaraha Cusub Ee Real Madrid.

José Mourinho iyo Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay ku jiraan “wada-hadalladii ugu dambeeyay” si tababaraha reer Portugal uu ugu soo laabto shaqada tababarenimo ee kooxda.

Sida ay sheegtay BBC Sport, tababaraha hadda ee Benfica ayaa ah musharraxa ugu cadcad xilka, isla markaana ah tababaraha keliya ee wada-hadallo rasmi ah lagala leeyahay inuu si joogto ah ula wareego kooxda ka dhisan caasimadda Spain.

Álvaro Arbeloa ayaa si ku meel gaar ah u maamulayay kooxda koowaad tan iyo markii shaqada laga eryay Xabi Alonso bishii Janaayo.

Warbixinta ayaa sheegtay in madaxweynaha Real Madrid, Florentino Pérez, uu bilaabay inuu ka fikiro soo laabashada Mourinho labo maalmood kadib bixitaankii Alonso.

Inkasta oo heshiiska uu meel wanaagsan marayo, Mourinho ayaa toddobaadkan bixiyay war cusub oo ku saabsan mustaqbalkiisa.

Wuxuu yiri:“Waxaan leenahay kulan aan la ciyaareyno Estoril Praia, kadibna laga bilaabo Isniinta waxaan awoodi doonaa inaan ka jawaabo su’aalaha ku saabsan mustaqbalkayga tababare ahaan iyo mustaqbalka Benfica.”

Real Madrid ayaa yeelatay xilli ciyaareed aad u liita, waxaana xaaladda sii xumeeyay guuldarradii 2-0 ee ay kasoo gaartay FC Barcelona toddobaadkan, taasoo keentay in kooxda ay xafiiltamaan ku guuleysato horyaalka La Liga.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga