Rio Ferdinand Oo Tilmaamay Kooxda Ugu Fiican Adduunka Wakhti Xaadirkan.

Halyeyga Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa magacaabay tababaraha Paris Saint-Germain, Luis Enrique, inuu yahay tababaraha ugu fiican adduunka waqtigan.

Isagoo ka hadlayay kanaalkiisa YouTube-ka ee “Rio Ferdinand Presents”, daaficii hore ee England ayaa sidoo kale sheegay in PSG ay tahay kooxda ugu xiisaha badan ee hadda dunida laga daawado.

“PSG waa kooxda ugu fiican ee hadda dunida laga daawado, tababarahooduna waa kan ugu fiican waqtigan,” ayuu yiri Ferdinand.

Ferdinand ayaa sidoo kale ku adkeystay in Arsenal oo uu hoggaamiyo Mikel Arteta ay ku guuleysan doonto horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Wuxuu intaas ku daray:

“Waxaan horay u sheegay in Arsenal ay ku guuleysan doonto horyaalka sanadkan, welina waxaan aaminsanahay inay ku guuleysan doonto.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga