Arsenal Mise PSG? Gary Neville Oo Saadaaliyay Final-ka Champions League.

Gary Neville ayaa aaminsan in Arsenal ay ku guuleysan doonto horyaalka Premier League, balse wuxuu sheegay inuusan u arkin inay tahay “waqtigoodii” ku guuleysiga Champions League.

Kooxda uu tababaro Mikel Arteta ayaa tallaabo weyn u qaaday ku guuleysiga Premier League-koodii ugu horreeyay tan iyo 2004 kadib guul adag oo 1-0 ah oo ay ka gaareen West Ham United Axaddii.

Iyagoo isku dayayay inay ka jawaabaan guushii 3-0 ahayd ee Manchester City ka gaartay Brentford maalintii ka horreysay, waxay u muuqatay in Arsenal dhibco lumin doonto kahor inta aanu Leandro Trossard dhalin goolkii guusha daqiiqadihii dambe.

West Ham oo si adag ugu dagaallamaysay inay kusii jirto Premier League ayaa moodday inay barbaro keentay waqtigii dheeriga ahaa, balse goolkii Callum Wilson waxaa diiday VAR kadib baaritaan dheer.

Guusha Arsenal waxay ka dhigeysaa inay shan dhibcood ka sarreyso Manchester City iyadoo labo kulan harsan yihiin, inkastoo kooxda Pep Guardiola ay hal kulan gacanta ku hayso.

Neville wuxuu sheegay:“Arsenal hadda waxay leedahay dardar weyn. Waxay garaaceen Atlético Madrid, waxayna arkeen Man City oo dhibco lumisay Everton kadibna iyaguna waxay ku badisay West Ham qaab cajiib ah.”

“Ku guuleysiga ciyaar sidan oo kale ah ayaa ka gaar ah inaad 3-0 ku badiso. Natiijooyinka noocaas ah waxay dhisaan kalsooni, adkaysi iyo dardar.”

Wuxuu sidoo kale sheegay in ciyaartoyda Arsenal ay hadda tahay inay dareemaan kalsooni buuxda, islamarkaana aysan jirin wax joojin kara.

Laakiin marka laga hadlayo final-ka Champions League ee ay la ciyaari doonaan Paris Saint-Germain, Neville wuxuu qabaa in PSG ay ka xoog badan tahay Arsenal.

“PSG way ka fiican yihiin Arsenal hadda, taas lama inkiri karo. Waxay taas muujiyeen labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay.”

Wuxuu intaas ku daray:“Waxay u muuqataa waqtigii saxda ahaa ee Arsenal ay ku guuleysan lahayd Premier League, laakiin ma dareemayo inay tahay waqtigoodii ay ku guuleysan lahaayeen Champions League.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga