Marcus Rashford ayaa sheegay in ku guuleysiga horyaalka La Liga uu ahaa “dhammaadka ugu fiican” ee waqtigiisa uu ku qaatay FC Barcelona.
Rashford ayaa dhaliyay laad xor ah oo cajiib ah markii Barcelona ay 2-0 ku garaacday Real Madrid Axaddii, isla markaana ku guuleysatay horyaalkeedii 29-aad ee La Liga iyadoo saddex kulan ay wali harsan yihiin.
Xiddiga reer England ayaa Barcelona hoggaanka u dhiibay tobankii daqiiqo ee ugu horreeyay, ka hor inta aanu Ferran Torres dhalin goolka labaad, iyadoo kooxda uu hoggaamiyo Hansi Flick ay guul raaxo leh ka gaartay El Clasico garoonka Nou Camp.
Kadib markii ay difaacatay koobka La Liga, Barcelona hadda waxay toddobo horyaal ka dambeysaa kooxda ugu koobabka badan ee Real Madrid.
Isagoo la hadlayay ESPN ciyaarta kadib, Rashford ayaa qirtay inuu doonayo inuu sii joogo Barcelona, balse wuxuu sheegay inaan wali wax go’aan ah la gaarin.
Wuxuu yiri: “Tani waa sida ugu fiican ee aan jeclaan lahaa inay ku dhammaato. Aad ayaan u faraxsanahay, maanta kaliya ayaan rabaa inaan ku raaxaysto”
“Waxaan ku noolahay waqtiga hadda. Marka xilli ciyaareedku dhammaado ayaan arki doonaa waxa dhaca. Waxaan halkan u imi inaan wax ku guuleysto, taasna waan sameynay, marka aad ayaan u faraxsanahay. Waa dareen cajiib ah.”
Rashford ayaa sidoo kale sheegay:“Dareenka waa mid aan caadi ahayn. Wuxuu ahaa xilli dheer oo leh kor iyo hoos, laakiin waxaan u maleynayaa inaan u qalannay inaan ku guuleysano La Liga.”
Markii la weydiiyay inuu wali ciyaaryahan Barcelona noqon doono bilowga xilli ciyaareedka dambe, Rashford wuxuu ku jawaabay:“Ma aqaan”
“Anigu sixiroole ma ihi, laakiin haddii aan ahaan lahaa, waan sii joogi lahaa. Waan arki doonaa. Waxaan halkan u imi inaan guuleysto. Waxaan rabaa inaan ku guuleysto waxyaabo badan intii aan awoodo.
“Tani waa koob kale oo lagu daray guulahaas. Waa koox cajiib ah, mustaqbalkana wax badan ayay ku guuleysan doonaan; qayb ka noqoshadaasna waxay noqon lahayd wax gaar ah.”
Marcus Rashford ayaa Barcelona ugu biiray amaah xagaagii hore kadib markii uu qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkii hore ku qaatay Aston Villa.
Ciyaaryahanka 28 jirka ah ayaa in ka badan 400 kulan u saftay kooxda yaraantiisii ee Manchester United, balse wuxuu booskiisa waayay intii uu tababaraha ahaa Ruben Amorim.
Be the first to comment