Owen Hargreaves Oo Magacaabay Saxiixa Ugu Fiican Man United Xilli Ciyaareedkan.

Owen Hargreaves oo hore uga ciyaari jiray khadka dhexe ee Manchester United ayaa doortay goolhayaha Senne Lammens inuu yahay saxiixa ugu wanaagsan ee kooxda sameysay xilli ciyaareedkan.

Waxaa la xusuustaa in Red Devils ay Lammens kasoo iibsadeen kooxda Belgium-ka ah Royal Antwerp xagaagii hore.

Manchester United ayaa sidoo kale lasoo saxiixatay ciyaartoy ay ka mid yihiin Matheus Cunha, Benjamin Šeško iyo Bryan Mbeumo oo ay kala yimaadeen Wolverhampton Wanderers, RB Leipzig iyo Brentford.

Si kastaba, Hargreaves wuxuu aaminsan yahay in goolhayaha Belgian-ka ah ee 23 jirka uu noqday ciyaaryahanka ugu muuqda ee United.

Wuxuu yiri: “Waxaan idiin sheegayaa qofka laga yaabo inuu noqdo saxiixa ugu fiican dhammaantood: Senne Lammens.

“Immisa ayuu ku kacay? Ma ahayn lacag badan — marka qiime ahaan waa faa’iido weyn. Laakiin runtii waxaan aaminsanahay in haddii aysan xallin dhibaatada goolhayaha, aysan kooxda ku jiri lahayn afarta sare.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga