Ciyaaryahanka khadka dhexe ee weerarka ee Manchester City, Rayan Cherki, uu jabiyay rikoor uu hore u haystay kabtanka Manchester United, Bruno Fernandes.
Cherki oo 22 jir ah ayaa guushan gaaray kadib bandhig cajiib ah oo uu sameeyay kulankii ay Manchester City la ciyaartay Chelsea Axaddii.
Sida ay sheegtay OptaJoe, Cherki ayaa xilli ciyaareedkan afar kulan oo kala duwan ku sameeyay laba ama ka badan caawin (assists), taasoo ka dhigaysa ciyaaryahanka ugu badan ee sidaas sameeya ciyaartoyda Premier League marka la eego dhammaan tartamada.
Wuxuu hal kulan kaga horeeyaa Bruno Fernandes, kaasoo saddex kulan oo kala duwan laba caawin sameeyay isagoo u ciyaaraya Manchester United.
Sidoo kale, Cherki ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee gaaro 10 ama ka badan assists xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Premier League tan iyo Dimitri Payet xilli ciyaareedkii 2015–16 markii uu joogay West Ham.
Cherki ayaa Manchester City kaga soo biiray kooxda Lyon sanadkii hore, wuxuuna ilaa hadda si weyn ugu muuqdaa kooxda uu maamulo Pep Guardiola.
Be the first to comment