Laacibkii hore ee garabka uga ciyaari jiray Real Madrid iyo Liverpool, Steve McManaman, ayaa sheegay labada koob ee kaliya ee Arsenal ay ku guuleysan doonto xilli-ciyaareedkan.
Arsenal weli waxay ku jirtaa tartanka afar koob xilli-ciyaareedkan iyadoo uu hoggaaminayo tababare Mikel Arteta.
Hadda Gunners-ka waxay hoggaaminayaan Premier League, waxay sidoo kale ku jiraan wareegga 16-ka ee UEFA Champions League, rubuc-dhammaadka FA Cup iyo final-ka EFL Cup.
Si kastaba, McManaman wuxuu aaminsan yahay in Arsenal ay qaadi doonto laba koob oo keliya: horyaalka Premier League iyo mid ka mid ah koobabka gudaha (Carabao Cup ama FA Cup).
Isagoo ka hadlayay TNT Sports, ayuu yiri:“Waxaan u maleynayaa in Arsenal ay ku guuleysan doonto laba koob xilli-ciyaareedkan – horyaalka iyo hal koob oo gudaha ah.”
Hadalkan ayaa yimid kaddib markii Arsenal ay 2-1 ku garaacday Mansfield Town wareegga shanaad ee FA Cup Sabtidii.
Be the first to comment