Pep Guardiola Oo Ganaax Afka Laga Galiyay, Miyuu Seegayaa Kulanka Arsenal?

Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa wajahaya ganaax laba kulan ah kaddib kaarka jaallaha ah ee uu qaatay kulankii Newcastle United ee FA Cup Sabtidii.

Tani waa markii lixaad ee Guardiola uu kaarka jaallaha ah qaato xilli-ciyaareedkan.

Dhacdadu waxay timid kaddib markii tababaraha reer Spain uu muran la galay garsooraha afraad Lewis Smith, kaddib qalad uu sameeyay Kieran Trippier oo ku galay Jeremy Doku.

Guardiola sidoo kale waxaa la arkay isagoo si kaftan u eg u sacbinaya kaddib markii Omar Marmoush uu dhaliyay gool ka dhigay 3-1 garoonka St James’ Park.

Hadda wuxuu ka maqnaan doonaa khadka garoonka marka City ay u safarto West Ham United kulan ka tirsan Premier League Sabtida soo socota, iyo sidoo kale kulanka rubuc-dhamaadka ee FA Cup bisha April.

Si kastaba, xeerarkan ma khuseeyaan UEFA Champions League iyo final-ada koobabka, sidaas darteed Guardiola wuxuu ku jiri karaa kursiga tababarka kulanka ay la ciyaarayaan Real Madrid iyo final-ka EFL Cup ee ay la ciyaarayaan Arsenal 22-ka March

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga